3:03 pm - Monday August 23, 9255

Qaar ka mid ah Taageerayaasha kooxda Chelsea oo si Yaab leh u fasirtay wixii uu sameeyay wiilkooda Eden Hazard kulankii Xalay

Aidarous

 

HAZARDKadib ciyaar waali ahayd oo cashar lama ilaawaan ah loogu soo dhigay caasimada faransiiska ee Paris kooxda reer London ee Chelsea, kuwaasi oo loo soo saaray jawaan culays badan oo ay ka buuxdo guul darro 3-1 ah, ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay arrin ay aad ugu xumaadeen taageerayaasha mayalka adag ee kooxda Chelsea.

Wiilka garabka weerarka ugu ciyaara Chelsea ee Eden Hazard, ayaa waxaa uu xidhay oo uu si buuxda ugu labistay funnaanad kooxda PSG markii ay ciyaartu dhamaatay isaga oo ku bixiyay waraysi dheer kaasi oo ay ka qaadeen telefeshin laga leeyahay faransiiska, kaasi oo wax ka waydiinaayay wixii ay ku dhigeen Paris Saint-Germain .

Isaga oo waraysigiisa wata ayaa waxaa xiddigan uu sheegay in uu aad ugu xunyahay jabka soo gaadhay kooxdiisa, laakiin uu u hambalyaynayo kooxda kale ee awooda kaga badisay inkasta uu ka leexday dhowr su’aalood oo la waydiiyay.

Sida caadada ah hadii ay ciyaartu dhamaato waxaa funaanadaha kala bedesha xiddigaha saaxiibada ah,kuwa isku wadanka ah ,iyo kuwa kale waxaana xiddigan ay funnaanada kala bedesheen xiddigii ay ilaa yaraantiisii isla soo ciyaarayeen haatana ah cadowgiisa ee Yohan Cabaye, kaasi oo isagana garabka saartay funnaanada nambarka 17-aad ee Chelsea ee uu xidho Eden Hazard.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa u fasirtay in Eden Hazard uu sii jeedo kooxda PSG Xagaaga dambe.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Sergio Aguero Oo ku taamaya in horyaalka ku qaadi doonnaan sidii sannadkii 2012-ka

Bayern Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Saxafiyiin Ingiriiska Ah Oo Aflagaadeeyey Schweinsteiger

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: