Qiimaha Uu Mohamed Salah Ka Taagan Yahay Suuqa Qiimaynta Oo Layaab Ku Noqotay Dunida

Mohamed Salah ayaa lama filaan iyo wax aan lasii saadaalinin ka dhigay suuqyada qiimaynta ciyaartoyga, kaddib markii uu sameeyey sare u kac aan cidina maskaxda sii gelinin.

Macluumaad ay ururisay CIES ayaa waxa lagu ogaaday in qiimaha Mohamed Salah uu laba jibbaar ka badan yahay intii uu taagnaa lix bilood ka hor kaddib bandhig ciyaareed cajiib ah oo uu kusoo bandhigay garoomada muddadii koobnayd ee uu Liverpool u ciyaarayey.

Weeraryahankan reer Masar oo 24 gool oo Premier League u dhaliyey kooxdiisa, ayaa waxa qiimaha uu ka taagan yahay suuqyadu uu lix bilood ka hor ahaa 74.7m euros oo u dhiganta £66.4 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa uu hadda gaadhay 162.8m euros oo u dhiganta (£144.3m Gini).

24 jirkan ayaa waxa uu noqday ciyaartoyga lixda horyaal ee ugu waaweyn Yurub ugu qiimaha sarreeya, waxaana qiimayntii ugu dambaysay ee la sameeyey bishii September 2017 uu ku qiimaysnaa 88.1m euros oo u dhiganta (£78.3m Gini) wakhtigaas oo ahayd laba bilood kaddib markii ay Liverpool £34 milyan ee Gini kaga soo qaadatay Roma.

Waxa ku xiga goolhaye Ederson iyo Leroy Sane oo Manchester City u wada ciyaara.


10-ka ciyaartoy ee sare u kaca ugu badan ka sameeyey suuqa qiimaynta

CiyaartoygaKooxdaQiimaha uu sare u kacay (euros)Qiimaha uu suuqa ka taagan yahay (euros)
SalahLiverpool74.7m (66.4m)162.8m (£144.3m)
EdersonMan City74.4m (66.1m)98.7m (£87.5m)
Leroy SaneMan City63m (£56m)151.2m (£134m)
Kylian MbappePSG54.7m (£48.6m)188.5m (£167.1m)
Gabriel JesusMan City53.1m (£47.2m)105.9m (£93.9m)
Joe GomezLiverpool48.3m (£42.9m)57.3m (£50.8m)
PaulinhoBarcelona42.4m (£37.7m)52.4m (46.5m)
Davinson SanchezTottenham42.2m (£37.5m)77.6m (68.8m)
MilinkovicLazio40.7m (£36.2m)70.5m (62.5m)
Florian ThauvinMarseille38.4m (£34.1m)82.3m (£73m)