Ciyaar lagu xusayey laacibka khadka dhexe iyo afka hore uga ciyaara Manchester United iyo England ee Wayne Rooney ayaa dhex martay labada kooxood ee Manchester iyo Evertoon.

Ciyaartan oo ku dhamaatay barbar dhac goolal la’aan ah ayaa xambaarsanayd dareen qiiro leh iyo xus sharafadeed loo sameyeynayey Wayne Rooney..

Everton oo ahayd oo ahayd kooxdii uu ciyaaraha ka soo bilaabay isagoo carruur ah kadibna uga wareegay Manchester ayaa garoonka soo galay isagoo wata saddexdiisa carruurta ah ee Kai oo lix jir ah, Klay oo saddex jir ah iyo Kit oo toddoba bilood jira, waxaana ay garoonka ku soo dhaweeyey ciyaartoyga labada kooxood oo laba saf u istaagay halka uu garoonka ka soo galayey Rooney iyo carruurtiisu.

Rooney ayaa markaas kaddib sacad iyo sawaxan ay ula istaageen taageereyaasha labada kooxood ee garoonka buux-dhaafiyey, waxaana ka mid ahaa dadka sacabka aan kala masuugin Sir Alex Ferguson oo ahaa shakhsigii heshiiska la saxeexday Rooney 31 August, 2004.

Intii uu u ciyaarayey oo ah 10 sannadood oo buuxa, waxa uu u saftay 520 ciyaarood oo uu u dhaliyey 245 gool, taas oo ka dhigtay ciyaartoygii ugu goolasha badnaa taariikhda kooxdaas.

Garoonka ciyaar sharafeedka oo uu fadhiyey Sam Allardyce oo ah tababaraha cusub ee xulka England iyo tababarihii hore ee Manchester ee Daivd Moyes, ayaa waxay la dhacsanaayeen inay ka qayb-galaan ciyaartan.

Rooney ayaa xulka England u saftay 115 ciyaarood oo uu u dhaliyey 53 ciyaarood.

Manchester wuxuu muddadaas uu u ciyaarayey kula guuleystay 5 jeer Premier League, Champions League, 1 FA Cup, 2 League Cup iyo Fifa Club World Cup.

Axadda haddii ay kooxdiisu ka badiso Leicester City, waxa uu ku guuleysan doonaa koobkiisii afraad ee Community Shield ah.

Daawo 

Xaaska ROoney Rooney3 Rooney2 Rooney1 Rooney