Qulqulka Dhiigga: Siddeed Ka Mid Ah Taageereyaasha Corinthians Oo La Dilay

Corinthians shot dead

Booliska Brazil ayaa xaqiijiyey in Sabtidii ay rag hubaysani toogasho ku dileen siddeed qof oo ka mid ah taageereyaasha kooxda Corinthians oo isku diyaarinayey ciyaar Axaddii dhex maraysay Corinthians iyo Palmeiras.

Booliska ayaa xaqiijiyey in laba nin oo hubaysan ay magaalada Sao Paulo dhexdeeda ay xasuuq u geysteen taageereyaasha kooxda Corinthians, kuwaas oo toddoba ka mid ah ay ku geeriyoodeen halkii ay xabbadu ku haleeshay iyadoo mid kale oo dhaawaca tiro badan ka mid ahaana uu cusbitaalka ku geeriyooday.

Raggan laayey dadka ayaa la sheegay in ay yihiin taageereyaal xamaasaddu xad-dhaaftay oo taageera kooxda Palmeiras oo ay magaalada Sao Paulo ka wada dhisan yihiin Corinthians.

Arrintan naxdinta leh ee ka dhacday Brazil oo lagu tilmaamo waddan aabbo u ah kubbadda cagta ayaa noqonaysa markii afraad ee ay dhacdo toogasho ay budhcad taageereyaal ahi ku dilaan taageereyaasha kooxda kale. Toddobaaddo yar ka hor ayey arrintan oo kale ka dhacday magaalada Sao Paulo markii ay rag hubaysani rasaas ku dileen taageereyaal ka soo horjeeday.

Booliska ayaa xaqiijiyey in dad goobjoogeyaal ahi ay arkeen laba nin oo hubaysan oo dadka amraya inay madaxa dhulka dhigaan, isla markaana xabbad madaxa kaga dhufanaya qof kasta oo ay qabtaan.

Siddeed qof oo kale ayaa ka badbaaday falkan naxdinta leh, iyadoo dhaawacooda oo kala duwanna la geeyey dhakhtarka halkaas oo mid ka mid ahi uu ku geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay in ay baadhitaan ku wadaan falkan, laakiin waxay masuuliyadda saareen kooxaha ka ganacsada daroogada oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen xasuuqan loo geystay taageereyaasha Corinthians.

Kooxda kubadda cagta ee Corinthians ee taageereyaasheeda la laayey ayaa barta Twitter waxay ku qortay ereyga afka Boortaqiiska ah ee ‘Luto’ kaas oo ay macnihiisu noqonayso ‘Baroor-diiq’.

Sidan ayaa ku qornayd barta Twitterka ee Corinthians:

#Luto pic.twitter.com/oxF9PMvzkn

— Corinthians (@Corinthians) April 19, 2015

Arrinta layaabka lagu tilmaamay ayaa ah in xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaasi uu diiday in uu dib u dhigo ciyaarta Semi-finalka Campeonato Paulista oo ah tartan ay ka qayb galeen 20 kooxood oo ka socda dhamaan gobollada dalkaas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Soomaaliya oo isu diyaarinaysa Ka Qayb Galka Koobka Afrika ee 2019

Rodgers Oo Noqday Tababarihii Ugu Liitay Ee Soo Maray Taariikhda Liverpool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com