R9 Oo La Kulmay Wiilka Mucjisada Ah Ee Martin Odegaard

R9 Odegaard

Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil ee Ronaldo oo booqday kooxdiisii hore ee Real Madrid ayaa la kulmay wiilka yar ee mucjisada ah ee Martin Odegaard Arbacadii.

16 jirka Odegaard ayaa sawirro kula galay Ronaldo garoonka tababarka ee kooxdiisa, halkaas oo uu ugu dhegdhegay si fiican isagoo muujinaya sida uu ugu faraxsan yahay in uu noloshiisa mar uun la kulmo R9 oo muddo shan sannadood ah u ciyaaray Real Madrid ka hor intii aanu u wareegay AC Milan.

Odegaard ayaa sawirrada uu la galay Ronaldo waxa uu ku baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo muujinaya wakhti uu Odegaard ku sugnaa garoonka tababarka Real ee Valdebebas oo uu Ronaldo la taagan yahay.

Ronaldo ayaa intii uu u ciyaarayey Real Madrid waxa uu u dhaliyey in ka badan 100 gool, waxa kale oo uu waddankiisa Brazil u dhaliyey 62 gool oo caalami ah, waxaanu u tegay magaalada Madrid si uu u daawado ciyaartii xalay dhex martay Atletico Madrid iyo Real Madrid oo ay 1-0 ku badisay Real Madrid, isla markaana sidaas ugu gudubtay wareegga semi-finalka ee tartanka Champions League.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Henry Oo Ku Dhalleeceeyey Chicharito In Aanu U Mahad-naqin Ronaldo

Arsenal Way Garaacaysaa Mourinho iyo Kooxdiisa Chelsea – Wenger

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com