Rabshadii Malabo – Daawo Muuqaaladii Foosha Xumaa Ee Loo Joojiyey 35 Daqiiqo Ciyaar Semi Final Ah Koobka Afrika

Riyaddii xulka Equatorial Guinea ee koobka qaramada qaarada Afrika ayaa ku soo af-go’day mashaqo iyo fuulxumo kaga darnayd niyad jabka ka hadhida tartanka ay ka huleeleen kadib markii ciyaartii ugu dambeysay ay ka dhaceen muuqaaladii ugu foosha xumaa oo 35 daqiiqo joojiyey ciyaartii Semi Finalka ee xallay ka dhacday garoonka magaalada Malabo.

Xulka marti galliyey koobka sanadkan, ayaa maal mihii hore sameeyey bandhig mucjiso ah , iyagoo ay daba taagnaayeen Taageerayaal madaalayaal ah oo lala yaabay siday xulkooda dhiiri gallinta iyo niyad dhiska ula barbar socdaan, laakiin waxay isla taageerayaashii uuni amakaag iyo foolxumo la soo baxeen markii xulkoodu bariiqday ciyaartii semi Finalka ahayd , iyagoo tuuryo ku bilaabay ciyaaryahanadii xulka Ghana, shaqaalihii garoonka isla markaana ka soo daadiyey taageerayaashii xulka Ghana goobtii ay garoonka kaga sugnaayeen kana soo caydhsaday , arintan oo sababtay in in ka badan saacad badhkeed ciyaartu u xanibnaato shaqaaqadaas iyo mudahraadkaas ay dhigayeen taageerayaasha xulka sanadkan koobka marti galliyey.

Ciyaaryahada Ghana oo Gurmad loo fidinayo ciidmaduna 'gaashaankooduu U Dalaalimeeyeen'

Ciyaaryahada Ghana oo Gurmad loo fidinayo ciidmaduna ‘gaashaankooduu U Dalaalimeeyeen’

Markii ciyaarta ay ka hadhsanaayeen uun kaliya sideed daqiiqo – dhamaan taageerayaasha xulka Ghana ee garoonka saarnaa waxaa lagu soo ooday gudaha geggida meel goolka ka dambesa iyadoo ay sida roobka ugu soo dhacayeen quraarado iyo ullo, waxaana baqdin darteed la joojiyey ciyaartii si amaanka loo sugo.

Laakiin waa loo caal waayay in xaalada wax laga bedelo , garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay oo ahaa Eric Castane wuxuu goostay inuu sugo ilaa inta kooxda amaanku xaalada si uun gacantooda ugu soo celinayso.  In kasta oo xataa ciidamada Police ku isticmaaleen diyaaradohooga qumaatiga u kaca si ay amaanka faraha ka baxay u soo dabaalaan, wey u suurto galli weyday oo waxay ku qaadatay nusasaac ka badan in ciyaartii dib uga bilaabato garoon madhan.255FDE7A00000578-2941812-Equatorial_Guinea_fans_are_pelted_by_water_bottles_as_they_try_a-a-63_1423173831503

Ciyaaryahanada oo daawanaya Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Police ka oo rabshadaha inay joojiyaan isku dayaya

Ciyaaryahanada oo daawanaya Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Police ka oo rabshadaha inay joojiyaan isku dayaya

Guud ahaan taageerayaashii wadamada kale ka yimid iyo suxufiyiintiiba waxay madaxa oo kaliya ka ilaashanayeen dhagax iyo quraarado garoonka dibadiisa iyo gudihiisaba ay ka soo ganayeen taageerayaal qaska u badheedhay oon gacantoodu joogsi lahayn, waxaanay go’doon ku noqdeen oo lagu waardiyeynayay goob cabirkeedu iska kooban yahay oo garoonka kamid ah, iyadoo si gaar ah nafahooda loogu cabsanayay kuwa reer Ghana ee xulkoodu ciyaarta lahaa.255FE68500000578-2941812-A_police_helicopetr_circles_perilously_close_to_the_stadium_as_p-a-81_1423173831652

Ciidamada khaaska u ah rabshadaha ayaa qaybo dhan oo garoonka ka mid ah taageerayasha qaska waday ka daad gureynayay iyagoo adeegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa iyo budhadhka rabadhka ah , si ay xasilooni u abuuraan.

Daqiiqadihii u dambeeyey, markii ciyaarta dib loo bilaabay, waxaa lagu ciyaarayay dareen aan degenayn , iyaddoo ay meesha ka baxday bandhigii iyo farxadii ciyaaruhu ku socdeen.255FE03F00000578-2941812-Riot_police_work_to_disperse_Equatorial_Guinea_fans_with_the_gam-a-79_1423173831635

Waxaa meesha ka dhacayna waxaa hoosta looga xariiqay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu foosha xumaa oo jiho qaldan u jeediya tartan si fiican u soo socday.

Tababaraha xulka Ghana, Avram Grant oo muuqaalada ka soo baxayay isagoo wali xaalkiisu u muuqda mid aad u degen, aadna ula socda dhaq-dhaqaaqa ciyaaryahanadiisa wallow uu laftiisu arkayay kuna dhex jiray xaaladaas murugsan ee garoonku ku sugnaa , ayaa ka hadlay wixii meesha ka dhacay.255FDE7A00000578-2941812-Equatorial_Guinea_fans_are_pelted_by_water_bottles_as_they_try_a-a-63_1423173831503

‘Waa markii iigu horeysay ee aan tartankan ka hawl gallo,’ ayuu hadalkiisa ku bilaabay tababarihii hore ee naadiyada Chelsea iyo Portsmouth ciyaarta kadib. ‘Ma garanayo sidii ay wax u dhaceen, waxaanu ku war helay uun rabshado dhacaya. kuma odhan karo aniga shaqadayda ma ahayn laakiin waxaan doonayay inaan ka war hayo xaalada amaan ee ciyaaryahanadayda oon sugo nabad gelyadooda –Taasina aniga muhiim bay ii ahayd.255FDC3200000578-2941812-A_helicopter_circles_over_the_stadium_in_an_effort_to_control_th-a-64_1423173831512

Kabtanka xulka Equatorial Guinea , Emilio Nsue, oo u ciyaara naadiga  Middlesbrough, ayaa raali gallin ka bixiyey rabshadihii dhacay, kuwaas oo ciyaaryahanada xulkiisu ay isku dayayeen inay qaboojiyaan laakiin dheg jalaq loo siin waayay.

‘Waligey kuma ciyaarin meel waxan oo kale ka dhacayaan,’ ayuu yidhi. ‘Waxaan jeclahay inaan idhaahdo “Waan ka xumahay’ anoo ku hadlaya magaca xulkayga . Waxaa dhacay mashaqo wax laga baran karo – oo ah mid aanan waligay filaynin inay dhacayso.’.

Guntii iyo Gunnaanadkii Ghana waxay guusha iyo inay u gudubtay Semi Final u dabaal deggi lahaydba waxaa ka xumeeyey dhacdadii meesha ka dhacday , waxaana laga wada warsugayaa kaliya Go’aamada ka soo bixi doona xidhiidhka kubada cagta Afrika Ee “CAF”.255FD92E00000578-2941812-image-a-61_1423173831485 255FD51E00000578-2941812-Equatorial_Guinea_supporters_are_ushered_out_of_the_stadium_befo-a-80_1423173831644 255FD6B900000578-2941812-Police_attempt_to_evacuate_fans_as_the_game_is_delayed_for_over_-a-62_1423173831494 255F730B00000578-2941812-Ghana_players_are_shielded_by_riot_police_after_being_pelted_by_-a-75_1423173831600 255F74E500000578-2941812-Police_provide_a_human_shield_amid_fears_over_Ghana_players_safe-a-76_1423173831607 255F28AC00000578-2941812-A_Ghana_supporter_with_his_body_painted_in_the_colours_of_the_na-a-66_1423173831530

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Schurrle: Mourinho Wuxuu Dibedda Iigu Tuuray Nin Ayuu Meel U Samaynayay

Diego Godín: “Khaati Ayaanu Ka Taaganahay Dagaalka”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com