8:23 am - Saturday August 19, 2017

Rafael Nadal Oo Laga Reebay Tartanka Barcelona Open

Aidarous

(Cadalool) – Rafael Nadal ayaa ka hadhay tartanka kubada tennista ee Barcelona Open Jimcihii shallay kadib markii ciyaaryahanka reer Spain ee Nicolas Almagro uu kaga adkaaday natiijo 2-6 7-6 (7-5) 6-4. ah ciyaartii rubuc dhamaadka Tartankaasi.

Laacibka dunida ee ciyaarta Tennista ayaa sidoo kale todobaadkii ina dhaafay dhexdiisii uun ay ahayd markii sidoo kale laga soo reebay tartanka Monte Carlo Masters oo uu ku guuldaraystay kulan uu la ciyaaray xidiga DavidFerrer.

Nadal oo aad moodaysay inuu guusha hanan karo , wareegii labaad iyo kii 3 aad ayaan ka faa’iidaysan fursado badan oo soo maray .

“Waxaa isoo maray fursado badan wareegii labaad markaas oo aan ciyaarta maamulkeeda anigu gacanta ku hayay, laakiin kamaan faa’iidaysan,” ayuu Nadal ku yidhi saxaafada.

“Intii ciyaartu socotay , degenaanshahaygu ma fiicnayn laakiin hadana fursado kale ayaan hellay bilowgii wareega saddexaadba, mar 3-1 iyo markii ay maraysay 4-4 kuwaasoo dhana kamaan faaiidaysan. Waxani waa Tennis waa inaad sii wadid uun ka fikirtaa.”

Guushan ayaa waxay wax weyn u tahay ciyaaryahan Almagro oo sanadkan oo dhan dhaawac ragaadiyey ciyaarahana ka maqnaa. Waxaanu wajahi doonaa kii soo badiya labada ciyaaryahan ee Santiago Giraldo ama Philipp Kohlschreiber kulankooda Semi final ka .

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Buuq Ka Abuurmay Go’aankii Lagu Bedelay Ballotelli Kulankii Roma Ee Xallay

Cristiano Ronaldo Oo Carabaabay Inuu ‘Actor’ Filimada Ah Noqon Doono Kubada Cagta Kadib

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: