3:03 pm - Sunday August 23, 9389

Rafinha Oo Saddex Ciyaarood Laga Ganaaxay Arintii Dortmund Darteed

Aidarous

Difaaca kooxda Bayern Munich ee Rafinha ayaa la dul dhigay ganaax saddex kulan ah oo la xidhiidha murankii kaadhka casaanka ah dhallay ee uu abuuray ciyaartii kooxdiisu la ciyaartay naadiga Borussia Dortmund.

Rafinha ayaa casaan qaatay kulankii Bayern 0-3 lagaga adkaaday ee ay ugu awood sheegatay Dortmund Sabtidii, kadib markii uu gacanta kaga dhugtay wejiga ciyaaryahan Henrikh Mkhitaryan.

Rafinha oo muran abuuray“Kadib casaankii, Rafinha waxaa laga ganaaxay saddex kulan kadib murankii uu abuuray,” ayay Bayern ku tidhi bogga ay ku leedahay shabakada Twitter.

Difaacyahanka reer Brazil ayaa seegi doona ciyaaraha Munich ay la ciyaari doonto kooxaha Eintracht Braunschweig, Werder Bremen iyo Hamburger SV waxaanu soo noqon doonaa kulanka u dambeeya horyaalka Germalka ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Stuttgart.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Inter Milan Oo £50m Dul Dhigtay Weeraryahan Torres

Koox La Basaasay Oo Dacwad Cabasho Ah U Gudbisay Xidhiidhka Premier League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: