Raheem Sterling Oo Shaki Geliyey Mustaqbalkiisa Liverpool Iyo Kooxo Waaweyn Oo U Hanqal Taagaya

 Sterling

Raheem Sterling dib ayuu u dhigay wada hadalladii u socday Liverpool illaa sannadka dambe

Liverpool ayaa ballan qaaday in toddobaadkii ay mushahar u siin doono £100,000 haddii uu heshiiska saxeexo balse Starling ayaa ka dhego-adaygaya

Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa si dhow ula socda xaaladda 20 jirkan asal ahaan ka soo jeeda Jumaica

xiddiga da’da yar ee Raheem Sterling ayaa dib u dhigay in uu saxeexo heshiis ay u soo bandhigtay kooxdiisa Liverpool oo uu wakhtiga ugu kordhinayo, waxaanu dib ugu riixay illaa sannadka dambe.

Diidmada heshiiska ee Sterling ayaa waxa ay mugdi gelisay damaca laacibkan ee ah in uu sii joogo kooxda iyo inkale, waxaana laacibkan heerka caalami ah ee England la saadaalinayaa in uu ka tago naadigiisa.

Sterling iyo Liverpool ayaa bilihii u dambeeyey waxa u socday wada hadallo ku saabsanaa sidii uu laacibkan 20 jirka ahi u saxeexi lahaa heshiis uu wakhti dheer kula sii joogi lahaa kooxdaas, hase yeeshee Sterling ayaa si toos ah ugu sheegay masuuliyiinta kooxdiisa in aanu wakhtigan dooneynin in la gaadho gebogebada wadahadallada balse la sugo inta ka hadhsan xili-ciyaareedkan iyo waliba in ay kooxdiisu ku guuleysan karto FA Cup

Warkan ayaa waxa uu sii xoojinayaa walaaca madaxda kooxdaas ka haysta in ay waayeen Raheem Sterling oo uu diido in uu saxeexo heshiiska, isla markaana marka uu dhamaado heshiiskiisu xagaaga sannadka 2017 uu ka tago Liverpool oo uu toddobaadkiiba mushahar uga qaado £35,000.

Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa si dhow ula socda xaaladda ciyaartoygan, iyadoo ay jiraan kooxo kale oo ka dhisan wadanka Ingiriiska oo xiisaynaya inay helaan ciyaartoygan.

Tababaraha Liverpool, Brendan Rodgers ayaa sheegay in kooxdiisu ay ballan qaaday in ay mushahar u siiso toddobaadkii £100,000, laakiin wali ciyaartoyga ayaan ka biyo diiddan kooxdiisa oo aan u muuqanin in ay guulo gaadhi karayso.

Laacibkan oo ka tirsan xulka qaranka England, hase yeeshee ka soo jeeda waddanka Jumaica ayaa ka mid ah laacibiinta lodkiisa ah ugu wanaagsan adduunka.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pirlo: Sannadkii 2005 Kubadda Ayaan Ka Fadhiisan Gaadhay

Real Madrid oo Wada hadallo Heshiis kordhin ah la bilaabaysa Ramos

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com