Ra’iisul Wasaaraha Britain,Theresa May ayaa cambaarayn xoogan u jeedisay xidhiidhka Kubadda Cagta aduunka ee FIFA.

Cambaarayntaasi waxay ku wajahan tahay go’aanka ay FIFA ku diiday in ciyaartoyda kubadda cagta ee England iyo Scotland ay funaanda ciyaarta ku xidhaan calaamada midabka casaanka ah leh ee maamuus ahaan ay u xidhaan.
Calaamadan ayaa lagu maamuusaa xuska dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Aduunka.

Ciyaartan laga mamnuucay xidhashada astaanta ayaa dhacaysa todobaadka soo socda. Waana ciyaar qayb ka ah isreebreebka Koobka Aduunka.

FIFA oo ka hadashay mannuucidan ayaa xidhashada calaamadan ku tilmaantay mid siyaasadaysan.
Theresa May ayaa ku waanisay FIFA, inay iyagu gudohooda isa saxaan ka hor inta aanay u dhaqaaqin inay wax saxaan.

Hadalka Masuuliyadan ayaa loo fahmay inay ula jeedo, fadeexadihii musuq maasuq ee gil-gilay hayadda ugu saraysa kubada cagta aduunka ee FIFA.