Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ka Hadlay Falkii Taageerayaasha Chelsea Sameeyeen Xallay

Ra’iisal wasaaraha wadanka Ingiriiska, David Cameron ayaa wax laga xumaado iyo talaabo foolxun oo wax ka qabasho u baahan ku tilmaamay falkii taageerayaasha Chelsea kula kaceen ninka Madow ee tareenka ka raacayay Istaan caasimada Paris ku yaala xallay.David Cameroon

Muuqaal daawasho ah oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxa uu muujiyey koox taageereyaal ah oo u diidaya nin madow ah in uu raaco tareenka iyaga oo ka xidhay waddada, isla markaana gacanta ula tegay kuna khasbay in uu dib uga noqdo tareenkii uu raaci lahaa.

Muuqaalka ayaa waxa uu muujinayaa taageereyaasha oo markii ay ninkaas u diideen in uu raaco ku qaylinaya: “Waxa aanu nahay cunsuriyiin, waxa aanu nahay cunsuriyiin, waana sida aanu jecel nahay”.cunsuriyiinta Chelsea oo la cambaareeyey 1

“Waa fal u eg mid waxashnimo ah,” ayuu yidhi Ra’iisal wasaaruhu “Waa talaabo dambi cad oo faraha lagula jiro muujinaysa sidaas darteedna anigu waxaan hubaa in ciidamada Booliiska wadanka Faransiisku ay si qoto dheer u baadhi doonaan.
“Waxaan ogohay in Booliiska Ingiriisku ay siin doonaan caawimo kasta oo ay uga baahdaan . Waxa kale oon ku rajo weynahay in Chelsea ay kala shaqayn doonto arintaas si buuxda. Arintani waa mid aad iyo aad iyo aad khatar u ah oo ina saamaynaysa.”

Halkan Ka Daawo Dhacdadii Cunsuriyiinta Chelsea Ku Kaceen Oo Muuqaal Ah

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Liverpool oo dhaawacyo Hadheeyeen ka hor Besiktas

Ronaldo iyo Marcelo Oo Madrid Si Fudud U Dhaafiyey Schalke + Sawiro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com