Ramadan iyo Koobka Aduunka :- Ciyaaryahanada Muslimiinta Ah Ee Ciyaaraya Iyagoo Sooman Ciyaaro Koob Aduun Tan iyo 1986-kii

Qaar kamid ah xidigaha ugu awooda badan  tartanka koobka aduunka ee sanadkan ka dhacaya wadanka Brazil , ayaa ciyaari doona iyagoo sooman , maadaama ay bishii barakaysnayd ee ramadaan ay bilaabanayso bishan dhexdeeda.

Walalaha Ivory Coast:- Yaya (bidix) iyo Kolo Toure ayaa kamid ah xidigaha ciyaaraha iyagoo sooman
Walalaha Ivory Coast:- Yaya (bidix) iyo Kolo Toure ayaa kamid ah xidigaha ciyaaraha iyagoo sooman

Waa markii koowaad tan iyo koob aduunkii 1986 ee la ciyaaro iyadoo lagu gudo jiro , cibaadada soonka ee bulshada Islaamku soonto Bisha Ramadaan ee sanadkasta.

Switzerland weeraryahankeeda-Xherdan Shaqir ayaa kamid ah ciyaaryahanada Soonka ku ciyaari doona
Switzerland weeraryahankeeda-Xherdan Shaqir ayaa kamid ah ciyaaryahanada Soonka ku ciyaari doona

Ramadaan ayaa bilaabanaysa bishan June 28 keeda, oo ku began maalinta koobaad ama ciyaarta ugu horeysa ee wareega labaad ee tartanka ciyaaraha koobka aduunka, socona doonta ilaa bisha July 27 keeda  oo maalmo badan kadib dhamaadka koobka aduunka ah.

Xidigaha xulka qaranka Faransiiska ee ay kamidka yihiin : Laacibka kooxda Real Madrid , Kareem Banzema, ciyaaryahanka kooxda Liverpool, Mamadou Sakho, difaacyahanka Arsenal Bacary Sagna iyo xidiga New Castle Moussa Sissoko ayaa dhamaantood ciyaaraha koobka aduunka ka qayb galli doona iyagoo sooman.

Weeraryahanka Real Madrid : Karim Benzema ayaa isna ku jira xidigaha Islaamka ah ee Soomaya Bisha Barakaysan ee Ramadaan
Weeraryahanka Real Madrid : Karim Benzema ayaa isna ku jira xidigaha Islaamka ah ee Soomaya Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Halka, ciyaaryahanada walaalaha ah ee xulka qaranka, Ivory Coast ee  Yaya iyo Kolo Toure – oo ay weheliyaan weeraryahankii hore ee Arsenal , Gervinho iyo laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Newcastle ee Cheick Tiote ay dhamaantood yihiin ciyaaryahano Muslim ah , isla markaana gudan doonaan waajibka Bisha Barakaysan ee Ramadaan , ciyaarahana ka qayb galli doonaan.

Edin Dzeko iyo badi ciyaaryahanada xulka Bosnia ayaa  Iyagoo Sooman Koob Aduunka Ka qayb qaadanaya
Edin Dzeko iyo badi ciyaaryahanada xulka Bosnia ayaa Iyagoo Sooman Koob Aduunka Ka qayb qaadanaya

Inta badan ciyaarhanada Xulka Bosnia ayaa ah Muslimiin , kuwaas oo dhamaantood bishan Soomi doona , waxaan ka xusi karnaa Edin Dzeko.

Sidoo Kale, Labada laacib ee xulka qaranka Belgium ee Marouane Fellaini iyo Moussa Dembele ayaa ciyaaraha ka qayb gallaya iyagoo cibaadaysanaya.

Mesut Ozil - halyeyga xulka qaranka Germany
Mesut Ozil – halyeyga xulka qaranka Germany

Laacibka Furaha u ah xulka qaranka Switzerland ee Xherdan Shaqiri iyo  halyeyga kooxda Arsenal iyo xulka Qaranka Germany ee Mesut Ozil ayaa ah xidigaha Muslimiinta ah ee iyagoo sooman ciyaaraha koobka aduunka ka qayb gallaya.

Belgium v Japan - International Friendly