Ramos: “Guul Ayaanu u Qalmaynay”

Difaacyahanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay ciyaartii ay barbar dhaca wada galeen Barcelona iyo Real Madrid ee ku dhamaatay 1-1, taas oo daqiiqaddii u dambaysay uu Ramos goolka barbar dhaca ah u dhaliyey kooxdiisa.

Ramos waxa uu sheegay in kooxdiisu ay u qalantay inay saddexda dhibcoodba qaadato, ayna ka ciyaar wanaagsanayd Barcelona.

“Kooxdu si fiican ayey u shaqaysay, si adag ayey u dedaashay, laakiin natiijadu, sida aan anigu ciyaarta u akhriyey, may ahayn xaq. Qaybtii hore waxa aanu helnay fursado badan oo goolal ah ayaanu helnay, laakiin kamaanu faa’iidaysan.” sidaas ayuu yidhi Ramos oo ka hadlayey sidii ay kooxdiisu u ciyaartay.

“Shaqadayadii badnayd, kumaanu helin abaalmarintii aanu u qalanay. laakiin, dhibicdu wax la’aanta ayey dhaantaa.” ayuu mar kale yidhi Ramos.

Ramos waxa uu falan-qayn ku sameeyey farqiga dhibcaha ay kooxdiisu ku hoggaaminayso horyaalka LaLiga, waxaanu sheegay inay yihiin lix dhibcood oo ay ku heleen dedaal badan.

30 jirkan kabtanka u ah Real Madrid waxa kale oo uu tibaaxay in labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ay ku dedaalayeen in mid walba uu ciyaarta maamulo.