Ramos: Ogaan Umaan Dilin Mandzukic

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartii dhex martay Real Madrid iyo Atletico Madrid ee Champions League, waxa la is weydiinayey sababtii kelliftay in Sergio Ramos uu jiqilkiisa wajiga kaga dhufto weeraryahanka Mario Mandzukic, taas oo ay ciyaartooyada Atletico u turjumeen in ay ahayd badheedh.

Waxa isaguna intii ay ciyaaartu socotay oo dhan gadoodsanaa Mario Mandzukic oo la arkayey in isaga oo dhiiggu ka qubanayo uu haddana dagaal ku jiro, isagoo doonayey jid uu kaga aar-goosto Ramos.

Haddaba, Ramos oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu beeniyey in uu ogaan u dhaawacayey Mario, waxaanu sheegay in ay ahayd camdi aan ku talogal ahayn.

“Ma doonayo in aan qiimeeyo khalad kasta oo dhacay, waxaanay taasi u taallaa garsooaha ciyaarta, laakiin anigu maan ogeyn in uu Mandzukic ii dhowyahay ama iga fogaa, kumana aanan talo gelin in aan gacantayda wejiga kaga dhufto.” Sidaas ayuu yidhi Sergio Ramos oo saxaafadda la hadla.

Qaar ka mid ah ciyaartooyada Atletico ayaa gadood ka muujiyey falka Ramos, waxaanay garsooraha ku eedeeyeen in uu six un ula dhaqmay laacibkii dhibaatadu gaadhay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

David Luiz Oo Si Mucjiso Leh Garoomada Ugu Soo Laabtay, Diyaarna U Ah Kulanka Barca

Milicsiga: Dib u daawo dhacdooyinka ciyaarihii u dambeeyey ee Barcelona v PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com