10:12 am - Wednesday June 28, 2017

Ramos Oo Amaanay Difaacii Ay Kala Horyimaadeen Bayern, Guushana Arintaas u Nisbeeyey

Aidarous

Ciyaaryahanka difaaca dhexe ee kooxda Real Madrid, Sergio Ramos ayaa tilmaamay inuu rumaysan yahay in qaab difaac heerkiisu sareeyo oo ay soo bandhigeen uu horseed u ahaa guushii 1-0 ka ahayd ee ay badeen Bayern Munich xallay.

Laacibkan 28 jirka ah, ayaa ku nuux nuuxsaday in Madrid ay shaqo fiican qabatay si ay u hesho goolkaas, isla markaana ku amaanay goolhaye Iker Casillas kubaddii uu ka badbaadiyey Maro Gotze dhamaadkii ciyaareedka ee ay Bayen ku barbarayn gaadhay.

“Waxaanu u shaqaynay si adag, waxay ahayd ciyaar adag,” ayuu Ramos ku yidhi saxaafada kadib ciyaarta. “Waxaanu ku soo ban dhignay ciyaarta qaab difaac laga yaabay.

“Kumaanu maamuli karayn kubad haysashada, waxay haystaan koox dhamaystiran. Taageerada garoonkayaga Bernabeu ayaa wax kasta noo fududaysay.

“Waxaanu ku badbaadnay badbaadintii qaaliga ahayd ee Casillas ugu dambeyntii! Waa goolwade heerkiisu sareeyo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

FA Oo Ganaaxday Mourinho, Ramires Iyo Rui Faria

Robben – ‘Ka badan baan ka filayay Real Madrid’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: