Ramos Oo goolashiisii u hebeeyey laba shaqsi 

Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Real Madrid “Sergio  Ramos” ayaa ka hadlay farxadiisa ku aadan in kooxdiisu u gudubto fiinalka Champions Leage, isagoo yidhi waxan gaadhnay halkii aan mudneyn.

Ramos waxa uu yidhi “Waxaan rabaa inaan u hadiyadeeyo gool ka mida goolasheyda saaxiibkey “Mondo”, kan kalana waalidkay, inaan ciyaaro finaalka Championka waa riyo mudo dheer aan sugayay.

Kooxda Real Madrid ayaa guul qaaliya ka gaadhay  kooxda Bayern Munich, 4-gool oo nadiifa ayeyna uga talaabsadeen lugta labad ee semifinalka Champions League.