Ramos Oo La Xaqiijiyey In Uu Lix Toddobaad Garoomada Ka Maqnaan Doono

Difaacyahanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la xaqiijiyey in uu garoomada ka maqnaan doono muddo lix toddobaad ah oo uu u jiifi doono dhaawac kulankii Arbacadii ka gaadhay muqura lugta.

Muruqa lugta bidixda ayay dakhaatiirtu sheegeen in uu waxyaalo ka gaadhay, isla markaana aanu awoodi doonin uu kooxdiisa u ciyaaro muddo bil iyo badh ah.

“Baadhitaano lagu sameeyey Sergio Ramos waxa ay kooxda dhkhaatiirta Real Madrid ee Sanias la Moraleja Hospital ay ka daweynayaan ciyaartoyga muruqa lugda bidix. Xaaladdiisana waa lala soconayaa” sidaas ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey barta internetka ee Real Madrid.

28 jirkan ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa kulanka Sabtida ee Atletio Madrid iyo sidoo kale ciyaaro kale oo muhim ah oo ay ku jirto kulanka Champions League ee Schalke, waxaanu tababare Ancelotti haysaa Varane iyo Nacho oo kaliya iyadoo uu horena uga maqnaa Pepe.

Ramos waxa luu xili ciyaareedkan kooxdiisa u saftay 29 kulan, waxaanu u dhaliyey lix gool.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Hoos U Dhac Ku Yimid Daawadeyaasha Yimaadda Camp Nou

Jaamacad Dhigaysa Maado Lagu Baranayo Ronaldo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com