Difaaca kooxda Juventus dhawaan ku biiray ee Dani Alves ayaa si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka xulka qaranka Brazil, kadib markii laga qaaday difaaca kale ee Inter Milan u ciyaara ee Miranda.

Macalinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku dhawaaqay in kabtanka xulka Brazil uu noqon doono Dani Alves kulanka isreeb reebka koobka adduunka ee ay la ciyaari doonaan dalka Colombia Habeenka Arbacada.

Kabtankii rasmiga ahaa ee xulka Brazil Neymar ayaa dhawaan iska casilay xilkaas kadib markii uu canbaareyn xoog baddan uu kala kulmay taageerayaasha dalkaas, gaar ahaan ciyaarihii Olombikadda ee dhawaan soo dhammaaday, waxaa wixii ka danbeeyey xil ka tegistiisa aan la helin kabtanka joogtada ah ee Brazil.