Wacdaraha Ciyaartii Rangers Ku Muquunisay St. Johnstone

Laba gool oo uu shabaqa dhex dhigay Carlos Pena ayaa u suurtogeliyey Rangers inay guul kala hoyato toban ciyaartoy oo kooxda St Johnstone ah kaddib markii ay isku haleeleen ciyaar ka tirsan horyaalka Scottish Premier League.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka St Jonstone ayaa waxa gool dhalinta bilaabay Pena oo daqiiqaddii 27aad goolka koowaad daba mariyey gool hayaha kaddib markii uu kubbad baas ah ka helay James Tavernier, ka hor intii aanu goolhaye Wes Foderingham kubbad ka difaacin Graham Cummins.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay la nasatay Rangers, hase yeeshee, markii laysugu soo noqday qaybta dambe ayaa kaadhka cas loo taagay laacibka Steven Anderson oo ka tirsan St Jonstones, waxaana taas ka faa’iidaystay Pena oo gool labaad kaga farxiyey taageereyaasha kooxdiisa, ka hor intii aanu Graham Dorrans gool saddexaad ku maca-salaamaynin.

Tababaraha Rangers oo lagu amgacaabo Pedro Caixinha ayaa ay guushani ka dejinaysaa culays weyn, maadaama uu kaalinta saddexaad fadhiyo iyadoo ay dhibco badan ka horreeyaan Aberdeen iyo Celtic oo hoggaanka sare isku baacsanaya.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wacdaraha Ciyaartii Rangers Ku Muquunisay St. Johnstone

Rangers Oo Karbaashtay St. Johnstone

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com