san

Alexis Sánchez ayaa lagu abaal-mariyey ban-dhiggiisii heerka sarre ahaa ee bishii hore ee September, waxaana loo magacaabay xiddiga ugu wanaagsanaa ee kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan 2016-17.

Weerar yahanka xulka qaranka Chile ayay bishii hore ee September kulamaddii uu u ciyaaray kooxda Gunners soo ban-dhigay qaab ciyaareed cajiib ah. Sánchez ayaa 5-kulan oo uu ciyaaray bishaas waxa u dhalliyey 4-gool, isaga oo caawiye ka ahaa 3-gool oo kale, waxaana goolasha uu u dhaliyey Arsenal ka mid ah goolkii uu ka dhaliyey kooxda Chelsea.

Alexis Sánchez ayaa helay 39.4% codadkii la dhiibtay, halka Theo Walcott oo galay kaalinta 2-aad uu uruursaday codad gaadhaya 23.2% cod, waxaana Alex Iwobi oo booska 3-aad cidhiidhsaday uu helay 18.4% codadka taageerayaasha kooxda Arsenal, halka 19% codadka la dhiibtay loogu codeeyey xiddigo kale oo aan saddexdan laacib ahayn.

sann