Difaacii dirradda u saarnaa kooxda Manchester United, kaas oo bishii Janaury bar-tilmaameed u ahaa  Jose Mourinho ee Fabinho ayaa heshiis cusub oo wakhti dheer qalinka ugu duugay kooxdiisa Monaco.

Kooxda AS Monaco oo ka war haysay xiisaha difaaceeda 22-sanno jirka ah ay u hayso kooxda Manchester United ayaa heshiis 5 sannadood ah ka saxeexatay wiilka reer Brazil, taas oo meesha gabi ahaanba ka saaraysa xiisaha xiddigan ee Man United.

Tababare Jose Mourinho hadda waxaa kooxdiisa difaac midig uu ka ciyaarsiiyaa Antonio Valencia waana doorashadda keliya ee uu haysto marka laga reebo Darmian oo uu doonayo in uu iska iibiyo.

Kooxda AS Monaco ayaa xaqiijisay in difaacan boosaska baddan ka ciyaara uu qalinka ugu duugay heshiis cusub oo ku eeg ilaa sannadka 2021, si ay uga ceshato kooxaha doonaya.