Rasmi: Inter Milan Oo Tababare U Magacowday Spalletti

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa ku dhowaaqday tababaraheeda cusub ee hoggaamin doona xili ciyaareedka dambe, kaas oo ah macallinkii dhowaanta laga eryey Roma ee Luciano Spalletti.

Spalletti oo Roma tababarayay xili ciyaareedkii tegay, ayaa la eryey 30-kii May, isagoo xilka hayey 16 bilood, waxaana 58 jirkan uu qalinka ku duugay heshiis laba sannadood ah oo uu maamuli doono Inter Milan.

Waxa uu beddeli doonaa Stefano Piolo oo 9-kii May ay Inter shaqada ka caydhisay, waxaanu xilka si toos ah ula wareegi doonaa bilowga bisha dambe ee July.

Inter Milan oo uu mulkiyaddeeda leeyahay maal-qabeen China ah oo iska leh shirkaddda Suning Group, ayaa doonaysa inay dib ugu soo noqot Yurub oo ay magaceedii dib usoo ceshato, iyadoo xili ciyaareedkan ku dhamaysatay 29 dhibcood oo ay ka hoosaysay Juventus oo horyaalka hanatay.