Rasmi: Isco Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Real Madrid + Sawirro

Kubbad-sameeyaha farsamada badan ee Isco ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sannadood ah oo uu kaga mid ahaan doono kooxdiisa Real Madrid.

Isco ayaa saxeexay heshiis uu kula joogi doono Real Madrid illaa 30 June, 2022, kaas oo kooxaha doonaya ay ku burburin karaan 700 milyan oo Euro.

Madaxweynaha Real Madrid iyo Isco ayaa soo wada fadhiistay miis ay ku saxeexayaan heshiiska, halkaas oo sawirro ay kaga qaadeen warbaahintu.

 Isco ayaa noqonaya ciyaartoygii labaad ee toddobaadkan heshiiska u kordhiya Real Madrid, waxaana ka horreeyey Marcelo oo Khamiistii saxeexay illaa 2022. Waxa isagana ka sii horreeyey ciyaaryahannada Karim Benzema, Kroos, Modric, Carvajal, Ronaldo, Varane, Ramos, Nacho, Casemiro iyo Bale.
Isco ayaa kaga soo biiray Real Madrid kooxda Malaga sannadkii 2013, waxaana uu u saftay 197 ciyaarood oo uu u dhaliyey 34 kulan iyo isagoo caawiyey 46 gool oo asxaabtiisu dhaliyeen.
Waxa uu la qaaday saddex koob oo Champions League ah, Saddex European Super Cup ah, hal Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Partick Thistle vs Rangers FC: Ciyaarta La Sugi La’yahay Ee Caawa

Canelo vs Golovkin GGG – Watch Full Game

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com