3:03 pm - Friday August 23, 8920

Rasmi: Kooxda Bologna Oo Shaqadii Ka Ceydhisay Macalinkeedii Delio Rossi

Samatar Mohamed
Delio Rossi e' il nuovo allenatore del Bologna

Naadiga ka dhisan dalka Talyaaniga ee Bologna ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in macalinkeedii Delio Rossi shaqada laga ceydhiyay.

Naadiga lagu naaneyso Rossoblu waji wanaagsan kuma bilaabin Serie A-da xilli ciyaareedkan waxayna leedahay 6-dhibcood iyadoo ciyaartay 10-kulan. Macalin Delio Rossi ayaa shaqadiisa ku waayay ka dib markii kulankii ugu dambeeyay Bologna ay guul-darro 1-0 kala kulantay naadiga Inter Milan ciyaar ka tirsanayd horyaalka Talyaaniga.

Haatan waxaa si weyn loo hadal hayaa in kooxda Bologna ay hogaanka u dhiiban doonto macalinkii hore ee naadiga Parma Roberto Donadoni oo haatan shaqo la’aan ah. Macalin Delio Rossi wuxuu noqday tababarihii labaad ee xilli ciyaareedkan kooxaha Serie A-da shaqada ka eryaan waxaana ka horeeyay Fabrizio Castori oo ay naadiga Carpi iska ceydhisay dhawaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 5
You need login to vote.
Filed in

Seria A Team Of The Week: Roma Oo Xoog Ku Haysata Kooxda Toddobaadka..! – (Reer Milan Oo Ka Wada Maqan)

Maxay Ahayd Sirtii Ka Dambeysay In Pogba Uu Xalay Numberkiisa 10-Aad Uu Ku Daray + 5…!? – (Jamaahiirta Juve Oo Ku Kala Qeybsamay)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: