RASMI: Kooxda Wasaaradda Maaliyada oo la soo Wareegtay Weerar Yahankii Xulka Gobolka Awdal

Kooxda kubadda cagta heerka koowaad ee Wasaaradda Maaliyada ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay weerar yahankii xulka kubadda cagta gobolka Awdal Bahdoon Axmed Hadliye, inkasta oo aan weli la shaacin mudada heshiiska uu kooxda la galay.

Ciyaartoy Bahdoon oo numberka 9-aad u xidhnaa xulkii kubadda cagta gobolka Awdal ee ku guuleystay tartankii kubadda cagta gobolada Somaliland ee 2016, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay in xulka gobolkiisa Awdal uu noqdo horyaalka kubadda cagta Somaliland.

Bahdoon Axmed Hadliye ayaa 4-gool oo muhiim ahaa u dhaliyey gobolkiisa Awdal tartankii ciyaaraha gobolada, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa 3-dii ciyaartoy ee ugu goolasha badnaa wallow abaal-marinta gooldhalinta uu ku guuleystay ciyaartoygii daqiiqadihii ugu yaraa goolasha ku dhaliyey oo ahaa weerar yahankii xulka gobolka Xaysimo Maxamuud Injineerka.

Tababaraha kooxda kubadda cagta heerka koowaad ee Wasaaradda Maaliyada Mr. Keyse Daahir Axmed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ciyaartoy Bahdoon inuu ku soo biiro kooxdiisa, waxaana uu ku tilmaamay inuu yahay ciyaartoy dhameystiran oo hibbo u leh gooldhalinta.

Shabacada ciyaaraha ee Cadalool.com waxay xidhiidh la sameyn doontaa ciyaartoy Bahdoon si ay wax uga weydiiso dareenkiisa iyo sida uu arko ku biiritaanka kooxdiisan cusub, waanan idiin soo gudbin doona, Insha Allah.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Dhacdooyinkii Ugu Xiishaha Iyo Hadal Haynta Badnaa Guud Ahaan Ciyaaraha  Sannadkan Sii Dhamaanaya Ee  2016-ka

Farqi Intee Leeg ayaa u Dhexeeyay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Abaal-marrintii Xalay Ee Ballon d’Or..??

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com