Laacibkii hore ee kooxda Arsenal Mathieu Flamini ayaa ku biiray kooxda reer Ingiriis ee Crystal Palace, kadib markii uu si xor ah uga tegay Arsenal suuqii xaggaaga.

Crystal Palace ayaa boggeeda rasmiga ah ku shaacisay in 32-sanno jirkan reer France uu kooxda ugu soo biiray heshiis xor ah, isaga oo la joogi doona inta ka hadhsan xilli ciyaareed kan.

Xiddigan khadka dhexe ee Mathieu Flamini ayaa dalabyo ka helay kooxo baddan oo ka dhisan waddanka Talyaaniga sida kooxdiisii hore ee Ac Milan iyo AS Roma.

Flamini ayaa ka mid ah dhawr laacib oo si xor ah uga tegay kooxda Arsenal dhammaadka xilli ciyaareedkii hore, balse laacibkan ayaa ka hor iman doona kooxdiisii hore ee Arsenal xilli ciyaareedkan.