Rasmi: Mohamed Salah Oo Hoggaaminaya Xulka Qaranka Masar Ee Koobka Adduunka

Tababaraha xulka qaranka Masar Hector Cuper ayaa daboolka ka qaaday liiska 23-ka ciyaartoy ee xulka qarankaas uga qayb-geli doona Koobka Adduunka ee 14 June ka bilaabmi doona waddanka Ruushka.

Xiddiga sannadkan ugu wanaagsan waddanka Ingiriiska, ahna gool-dhaliyaha ku guuleystay Kabta Dahabka ah ee horyaalka Premier League ee Mohamed Salah ayaa hoggaaminaya xulka qaranka Masar, kaas oo ay wehelinayaan ciyaaryahano badan oo ka ciyaara horyaalka dalka Masar, gaar ahaan kooxaha Zamalek, Al Ahly iyo Al Fateh.

Laacibka Arsenal dhexda uga ciyaara ee Mohamed Elneney, libaaxa Stoke City ee Ramadan Sobhi, Ahmed Hegazi oo difaaca uga ciyaara West Brom iyo Ahmed Elmohamady oo Aston Villa ah ayaa uu tababare Cuper ku daray liiskiisa rasmiga ah ee uu u xushay Koobka Adduunka.

Masar oo ku jirta group A oo ay ku wehelinayaan Ruushka, Sucuudi Carabia iyo Uruguay ayaa fursad fiican u haysata inay kasoo gudubto marxaladda koowaad haddii labada ciyarood ee ugu horreeya ay guulo gaadho, taas oo Mohamed Salah u sahli karta inuu ku guuleysto xiddiga adduunka oo uu ka mid yahay murashaxiinta ku tartamaysa.

Liiska xulka qaranka Masar oo dhamaystiran waa sidan:

Gool-haye: Essam El Hadary (Al Taawoun), Mohamed El-Shennawy (Al Ahly), Sherif Ekramy (Al Ahly), Mohamed Awad (Ismaily).

Difaac: Ahmed Fathi (Al Ahly), Saad Samir (Al Ahly), Ayman Ashraf (Al Ahly), Mahmoud Hamdy (Zamalek), Mohamed Abdel-Shafy (Al Fateh), Ahmed Hegazi (West Brom), Ali Gabr (Zamalek), Ahmed Elmohamady (Aston Villa), Karim Hafez (Lens), Omar Gaber (Los Angeles FC), Amro Tarek (Orlando City).

Khadka dhexe: Tarek Hamed, Mahmoud Abdel Aziz (Zamalek), Shikabala (Al Raed), Abdallah Said (KuPS), Sam Morsy (Wigan Athletic), Mohamed Elneny (Arsenal), Kahraba (Al Ittihad), Ramadan Sobhi (Stoke City), Trezeguet (Kasimpasa), Amr Warda (Atromitos Athens).

Afka hore: Marwan Mohsen (Al Ahly), Ahmed Gomaa (Al Masry), Kouka (Braga), Mohamed Salah (Liverpool).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.