Rasmi: PSG Oo Magacowday Tababaraha Cusub Ee Beddelaya Unai Emery

Kooxda kubadda cagta waddanka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhowaaqday tababaraha cusub ee beddelaya Unai Emery oo soo gunaanadaya laba sannadood oo uu hoggaaminayey.

PSG waxa ay shaacisay inay Thomas Tuchel uu noqonayo tababaraheeda cusub ee xilka kala wareegaya Unai Emery.

War-saxaafadeed ay PSG soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in Tuchel oo ahaa tababarihii hore ee Borussia Dortumund ay u xusheen inuu noqdo macallinkooda cusub.

“Thomas waa mid ka mid ah tababareyaasha ugu wanaagsan qaaradda Yurub ee sannadihii u dambeeyey kusoo baxay si heersare ah.”  Sidaas ayuu yidhi tababaraha PSG, Nasser Al-Khelaifi.

Tuchel ayaa mar hore la kulmay qaar ka mid ah ciyaartoyga PSG oo uu ka mid yahay Neymar oo uu doonayo inuu kusii sugnaado kooxda si uu ugu sii negaado.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.