RASMI: Real Madrid Iyo Chelsea Oo Ku Dhowaaqay Heshiis Ay Ka Gaadheen Courtois

Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay heshiis buuxa ka gaadheen iibka goolhayaha xulka qaranka Belgium ee Thibaut Courtois kaas oo maalmihii ugu danbeeyay iska diiday in uu qaato tababarka kooxdiisii hore ee Chelsea si uu maamulka Blues ugu cadaadiyo in uu ka iibiyaan Los Blancos riyadaas oo uu hadda kaga dhabeeyay.

Kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in goolhaye Thibaut Courtois ay la gaadhay heshiis lix xili ciyaareed ah kaas oo hadda si toos ah booska goolhayaha kowaad ee kooxdeeda ugula tartami doona Keylor Navas oo wali ku adkaysanaya in uu kooxda sii joogi doono.

War saxaafadeed rasmi ah oo ay Real Madrid ka soo saartay heshiiska Courtois ayaa lagu bilaabay: ” Kooxda kubbada cagta Real Madrid yo kooxda kubbada cagta Chelsea waxay heshiis ka gaadheen la wareegista Thibaut Courtois kaas oo kooxda u saxiixay lixda xili ciyaareed ee soo socda”.

Waxaana qoraalka Real Madrid la sii raaciyay: ” Kadib tijaabada caafimaadka oo barri khamiista August 9 qabsoomi doonta, ciyaartoyga waxaa Santiago Bernabeu Stadium qaybtiisa madax waynaha lagu soo bandhigi doonaa 1:00PM”.

Kadib waxaa qoraalka lagu sheegay in markii ugu horaysay uu Thibaut Courtois soo gali doono garoonka Santiago Bernabeu halkaas oo uu saxaafada kula hadli doono isaga oo qaban doona shirkiisa ugu horeeya ee isaga oo ciyaartoy Real Madrid ah.

Dhinaca kale Chelsea ayaa iyaduna war saxaafadeed ka soo saartay heshiiska ay Real Madrid kala gaadhay Courtois waxaana qoraalka lagu yidhi: ” Chelsea iyo Real Madrid waxay caawa heshiis rasmi ah ka gaadheen la wareegista Thibaut Courtois wuxuuna heshiisku ku xidhan yahay ka gudbida tijaabada caafimaadka iyo heshiiska shaqsiga ah”.

Dhinaca kale Chelsea ayaa qoraalkeeda ku xaqiijisay in heshiiska Courtois ugu biiray Real Madrid uu qayb ka yahay xidiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic kaas oo isna heshiis amaah hal xili ciyaareed ah ugu soo biiray Chelsea.

Waxaana qoraalka Chelsea la sii raaciyay: “Dhamaystirka heshiisku wuxuu ku xidhan yahay Mateo Kovacic oo Blues ugu soo biiri doona amaah hal xili ciyaareed ah”.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.