RASMI: Real Madrid Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinaysa Goolhayaha Roma Ee Alisson Becker

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dalab rasmi ah u diraysa AS Roma oo ay ka doonayso goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker.

Wariyaha Talyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio ayaa shaaciyey in Real Madrid ay Jimcaha u dirayso AS Roma dalab huwan lacag dhan 50 milyan oo Euro oo ay kaga doonayso goolhaye Alisson, isla markaana wada xaajood rasmi ah uu u bilaabmi doono labada naadi.

Goolyahan oo sidoo kale ay doonso kooxda Liverpool ayaa la sheegay in Roma ay doonayso ay ku xidhay shuruud ah 100 milyan oo Euro, hase yeeshee, hadal uu markii dambe kaftan ku tilmaamay oo uu madaxweynaha kooxda Talyaaniga ah warbaahinta siiyey ayaa uu ku caddeeyey inuu u dhow yahaya Real Madrid.

Los Blancos oo muddo dheer daba socotay goolhayaha Manchester United ee David de Gea oo caqabado badan ay kala kulantay, ayaa hadda doonaysa inay ka nefisto raacadadeeda dheer, isla markaana ay u leexato wiilka reer Brazil ee udub-dhexaadka u ah guulihii Roma ee xili ciyaareedkii tegay.

AS Roma iyo Real Madrid ayaa miiska iskugu imanaya wixii ka dambeeya Jimcaha markaas oo dalabku gaadhi doono kooxda Talyaaniga ah, hase yeeshee sida wararku sheegayaan caqabadda ugu weyn ee wada-xaajoodka ka hor imanaysa ayaa noqon doonta lacagta oo Roma ay doonayso 100 milyan oo Euro iyo Real Madrid oo ugu badnaan 60 Milyan la shirtegaysa.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.