RASMI: Real Madrid oo €31.5m ku iibsatay Danilo

Danilo

Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay heshiis la saxeexatay weeraryahanka baasha midig uga ciyaara FC Porto ee Danilo kaas oo qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa sannadka 2021.

Danilo oo u dhashay dalka Brazil ayaa muddoyinkii u dambeeyeyba lala xidhiidhinayay in uu ku biirayo Real Madrid, waxaana sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta labada kooxood uu ciyaartoygaasi si rasmi ah uga mid yahay ciyaartooyada Real Madrid kadib markii ay labada naadi iyo ciyaartoyguba qalinka ku duugeen heshiiska.

“Porto waxay halkan ugu xaqiijinaysaa suuqa in ay heshiis rasmi ah la gaadhay Real Madrid oo ay kula kala wareegeen Danilo qiime dhan €31.5m.” sidaa waxa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yidhi kooxda FC Porto.

Madrid ayaa iyaduna dhinaceeda war-saxaafadeed ku xaqiijisay in uu ciyaartoygan caalamiga ah ee reer Brazil ku biirayo.

Danilo ayaa u ciyaaray Porto afar xili ciyaareed, waxase uu wacdaro ka dhigay tartanka Champions League oo uu dhaliyey afar gool, afar kalena caawiyey.

Imaatinka Danilo ee Santiago Bernabeu waxa uu sii kordhinayaa shakiga laga qabo mustaqbalka Dani Carvajal oo ah ciyaartoyga rigliga ku ah baasha midig ee Madrid.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Gareth Bale Oo Wacdaro Ka Dhigay Ciyaar Basketball Ah – Video

Maxaa iska beddelaya shaxda xulashada Real Madrid kadib imaanshaha Danilo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com