busquets-signs-new-barcelona-contract-1424964394695

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain Sergio Busquets ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo ay kooxdiisa Barcelona u soo ban-dhigtay.

Sergio Busquets ayaa qalinka ku duugay heshiis 5-sanno oo cusub sidoo kalena waxaa ku lifaaqan heshiiskan inuu 2-sanno oo dheeri ah ku darsan karo. 28-sanno jirkan ayaa lagu tilmaama laacibka ugu wanaagsan khadka dhexe, gaar ahaan dhanka kubad joojinta iyo sharixidda ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed u hibeeyay Barcelona oo ah kooxda uu ku soo bar-baaray.

Sergio Busquets kooxda waa weyn ee Barcelona wuxuu ka mid noqday sannadkii 2008-dii ilaa haatan wuxuu kooxdiisa u saftay 422-kulan dhammaan tartamadda kala duwan isaga oo u dhalliyey 13-gool.

Busquets wuxuu kooxda Barcelona la qaaday koobab fara baddan oo ay ka mid yihiin 6-jeer oo La Ligaha Sapin ah iyo 3-jeer ee uu Uefa Champions League la qaaday.