RASMI: Suuqii Premier League Oo Soo Xidhmay Iyo Liiska Ciyaartoydii Lala Kala Wareegay Maanta Oo Khamiis Ahayd Iyo Liiska Dhamaan Ciyaartooyadii Wareegay

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier league ayaa si buuda u soo xidhmay waxaana wali sii jiri doona saxiixyo ilaa saacada soo socda la dhamaystiri doono maadaama oo waraaraha looga baahnaa la gudbiyay intii aanu suuqu xidhmin waxayna kadib kooxaha Premier League dhamaan  dareenkooda ku soo jeedin doonaan xili ciyaareedka cusub oo isla jimcaha barri si rasmi ah u furmi doona.

Kooxaha Premier League ayaa suuqa ka raadsanaya xidigo ay wali kooxahooda ku soo xoojiyaan waxaana sidoo kale jira xidigo ay iibinayaan markii ay qorshaha xili ciyaareedka kooxahooda qayb ka noqon waayeen, laakiin saacadaha soo socda waxaa la filayaa saxiixo badan la samayn doono maadaama oo ay hawlo badani socdaan.

Haddaba ilaa xalay waxaa jiray heshiisyo muhiim ah oo al dhamaystiray iyada oo waliba la filayo in ay saacadaha soo socda dhici doonan heshiisyo kale balse waxaanu halan idiinku haynaa liika ciyaartoyda maanta ilaa xalay la dhamaystiray iyada oo liiskani uu noqon doono mid furan oo aanu marka ku soo dari doono heshiisyada la dhamaystiro.

Kooxda Everton ayaa hawlgal layaableh samaysay waxay ku guulaystay in ay Barcelona kala soo wada wareegtay Yerry Mina iyo Andre Gomes iyada oo Mina ka soo bixisay 27 milyan gini halka Gomes ay ku soo qaadatay amaah taas oo la micno ah in Everton ay la soo wareegtay Lucas Digne, Yerry Mina iyo Andre Gomes oo dhamaantood Barcelona ka wada tirsanaa.

Halkan kaga bogo isla markaana wixii ku soo kordha kala soco ee saxiixyadii ugu danbeeyay ee la dhamaystiray iyada oo ay ku kooban yihiin kuwa ku soo biiray ama ka baxay kooxaha Premier league oo uu suuqoodu xidhmayo.

Yerry Mina [Barcelona – Everton] £27m

Andre Gomes [Barcelona – Everton] Loan

Bernard [Shakhtar Donetsk – Everton] Free

Leander Dendoncker [Anderlecht – Wolves] Loan

Victor Camarasa [Real Betis – Cardiff] Loan

Adama Traore [Middlesbrough Wolves] £18m

Thibaut Courtois [Chelsea ⇒ Real Madrid] 35m

Jordan Flores [Wigan Ostersunds FK] amaah

Filip Benkovic [Dinamo Zagreb Leicester] lama shaacin lacagta

Lucas Perez [Arsenal – West Ham] lacagta lama shaacin

Mateo Kovacic [Real Madrid – Chelsea] amaah

Daniel Arzani [Melbourne City – Manchester City] lacagta lama shaacin

Kepa Arrizabalaga [Athletic Bilbao – Chelsea] £71.6m rekoodh.

Waxaa wali soo socda saxiixyo kale oo hadda lagu dhawaaqay iyo kuwo hadda lagu dhawaaqayo inkasta oo uu hadda si rasmi ah u xidhmay suuqu laakiin la soco saxiixyada soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.