RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Portugal Ee Fernando Santos Niyadjab Ku Riyaday Laba Xidig Oo Barcelona Ah Iyo Liiska 23-ka Xidig Ee Russia U Duulaya Oo Uu Soo Saaray.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa meesha ka saaray ciyaartoy badan oo markii hore ku soo baxay liiskii hordhaca ahaa ee 35 ka xidig ka koobnaa, wuxuuna ugu danbayn ku dhawaaqay liiska 23-ka ciyaartoy ee uu koobka aduunka ee Russia kala qayb gali doono. FIFA ayaa xul kasta oo koobka aduunka ka qayb galaya ka doonaysa 23 ciyaartoy ugu danbayn June 4,2018.

Macalinka xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa niyadjab ku riday labada xidig ee kooxda Barcelona ka tirsan ee Nelson Semedo iyo Andre Gomes kuwaas oo aan nasiib u yeelan in ay qayb ka noqdaan liiska 23-ka xidig ee xulka qarankooda ku matali doona Russia.

Inkasta oo uu Fernando Santos markii hore ku soo daray liiskii hordhaca ahaa labadan xidig ayuu go’aan ku gaadhay in ayna qayb ka noqon karin liiska kama danbaynta ah ee Russia u safraya. Waxa kale oo liiskan laga reebay Nani iyo Eder oo door muhiim ah ku lahaa guushii Portugal ee Euro 2016 iyada oo waliba Eder uu ahaa xidigii goolkii guusha ee ay koobka ku soo qaadeen dhaliyay.

Xulka qaranka Portugal ayaa kulanka ugu horeeya ee koobka aduunka ku furan doona kulan xiiso badan oo ay magaalada Sochi kula ciyaari doonaan xulka dalka Spain kulankaas oo saamayn wayn ku yeelan kara qaabka uu Portugal tartanka koobka aduunka kaga soo muuqan doono.

Liiska 23-ka Ciyaartoy Ee Portugal Uga Qayb Galaya Koobka Aduunka:

Goolhayayaasha: Anthony Lopes (Lyon), Beto (Goztepe), Rui Patricio (Sporting CP).

Difaaca: Bruno Alves (Rangers), Cedric Soares (Southampton), Jose Fonte (Dalian Yifang), Mario Rui (Napoli), Pepe (Besiktas), Raphael Guerreiro (Dortmund), Ricardo Pereira (FC Porto), Ruben Dias (Benfica).

Khadka Dhexe: Adrien Silva (Leicester City), Bruno Fernandes (Sporting CP), Joao Mario (West Ham), Joao Moutinho (Monaco), Manuel Fernandes (Lokomotiv), William Carvalho (Sporting CP).

Weerarka: Andre Silva (Milan), Bernardo Silva (Manchester City), Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Gelson Martins (Sporting CP), Goncalo Guedes (Valencia), Ricardo Quaresma (Besiktas).


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.