RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka Portugal Ee Fernando Santos Oo Ku Dhawaaqay Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka Qarankiisa Koobka Aduunka Uga Qayb Gali Doona.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee xulka qarankiisa uga qayb gali doona koobka aduunka wuxuuna liiskan ka reebay Renato Sanches oo ku fashilmay horyaalka Premier league iyo kooxda heerka labaad u dhacday ee Swansea City.

Inkasta oo uu Renato Sanches door muhiim ah ka soo ciyaaray in xulka qaranka Portugal uu markii abid ugu horaysya ku soo guulaystay koobka qaramada Yurub ee euro2016, haddana tan iyo markii waqtigaas ka danbeeyay Renato Sanches ayaa noqday mid fashilmay oo horumarkii cajiibka ahaa joojiyay kadib markii uu Bayern Munich ku biiray ee uu haddana amaah ugu wareegay Swansea.

Cristainno Ronaldo ayaan xulka qarankiisa Portugal u safan doonin kulanka ugu soo horeeya ee dhamaadka bishan oo May 28 ay la ciyaari doonaan Marocco maadaama oo ay noqonayso laba maalmood oo kaliya kadib marka uu Real Madrid u safto finalka Kiev ee Champions League.

Ruug cadaaga ay Ronaldo sida wayn isku fahmaan ee Ricardo Quaresma ayaa sidoo kale liiskan ku soo baxay laakiin inta ka horaysa June 4, waxaa macalinka Portugal waajib ku noqonaysa in liiska 23-ka ciyaartoy ee Russia u duuli doona uu FIFA u gudbiyo maadaama oo liiskan hordhaca ahi uu ka kooban yahay 35 ciyaartoy.

Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka Qaranka Portugal Ee koobka Aduunka:

Goolhayayaasha: Anthony Lopes (Lyon), Beto (Goztepe), Rui Patrício (Sporting)

Difaaca: Antunes (Getafe), Bruno Alves (Rangers), Cédric Soares (Southampton), João Cancelo (Inter), José Fonte (Dalian Yifang), Luís Neto (Fenerbahçe), Mário Rui (Nápoles), Nélson Semedo (Barcelona), Pepe (Besiktas), Raphael Guerreiro (Dortmund), Ricardo Pereira (FC Porto), Rolando (Marselha) e Rúben Dias (Benfica)

Khadka dhexe: Adrien Silva (Leicester), André Gomes (Barcelona), Bruno Fernandes (Sporting), João Mário (West Ham), João Moutinho (Mónaco), Manuel Fernandes (Lokomotiv), Rúben Neves (Wolverhampton), Sérgio Oliveira (FC Porto), William Carvalho (Sporting)

Weerarka: André Silva (Milan), Bernardo Silva (Manchester City), Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Éder (Lokomotiv), Gelson Martins (Sporting), Gonçalo Guedes (Valência), Nani (Lazio), Paulinho (SC Braga), Ricardo Quaresma (Besiktas), Ronny Lopes (Mónaco)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.