Rasmi: Willy Sagnol Oo Loo Magacaabay Tababaraha Bordeaux

Bordeaux ayaa loo magacaabay tababare cusub oo noqonaya ciyaaryahankii hore difaaca ugu hayn jiray xulka qaranka Faransiiska ee Sagnol oo ay wada saxeexdeen heshiis cusub oo uu kooxda ku laylin doono saddexda sanno ee soo socda.

Todobaadkan bilowgiisii uun bay ahayd markii gudoomiyaha naadiga Faransiiska ahi ku dhawaaqay in kooxdiisu ku hungawday Caawiyaha tababaraha Real Madrid, Zidane oo ay si weyn u danaynayeen inuu booska tababaraha u buuxiyo.

Laacibkan hore ee difaaca uga ciyaari jiray naadiga Bayern Munich, Willy Sagnol, oo ay horena uga soo wada tirsanaayeen qaranka France, ayaa si rasmi ah loogu gacan galliyey Bordoaux heshiis saddex sanno mudadiisu tahay.

“Naadiga FC Girondins de Bordeaux waxay si diiran ugu soo dhawaynayaan Willy Sagnol shaqada tababaraha cusub ee kooxda,”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kooxdu soo saartay oo ay ku baahisay barta rasmiga ah ee naadigu ku leeyahay Internet-ka.

“Tababaraha wakhti xaadirkan ee xulka 21 jirada ka yare e wadanka Faransiiska ayaan heshiis saddex sanno ah ula gaadhnay inuu kooxda tababare u ahaado.

“Taageerayaasha, shaqaalaha iyo dadka kale ee xiiseeya naadiguba waxay si weyn u danaynayaan uguna faraxsan yihiin qabashada shaqada cusub iyo bilowga tababarka ee tababare Sagnol.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

David Luiz Oo Qarka U Saaran Inuu €49m Ugu Wareego PSG

Ronaldo Oo Taageero Weydiistay Dadka Portugal Ciyaarta Finalka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com