8:58 am - Monday May 29, 2017

RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub UEFA Oo Xoghaye Guud Oo Cusub Loo Magacaabay

Samatar Mohamed

xag

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo UEFA, ayaa xaqiijiyey goor dhaweyd in si joogto ah loogu doortay xoghayaha guud ee xidhiidhka Mr. Theodore Theodoridis oo xilkaas si ku-meel-gaadh ah u hayey.

UEFA ayaa si joogto ah xoghayeheeda guud uga dhigtay Mr. Theodore Theodoridis, waxaana xilkaas si ku-meel-gaadh ah loogu dhiibay markii uu booskaas banneeyay madaxweynaha haatan ee FIFA Mr. Gianni Infantino.

Ninkan Giriigga u dhashay ee Mr. Theodore Theodoridis ayaa xidhiidhka UEFA ku soo biiray sannadkii 2008-dii, haatan ayuuna xidhiidhka UEFA shaaciyey in Theodoridis uu si joogto ah u noqon doono xoghayaha guud ee xidhiidhka, ku-meel-gaadhkiina ka baxay.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mourinho Oo Iibinaya Wayne Rooney Iyo Qorshaha Cidda Lagu Beddelayo

RASMI: Magaaladda Kiev Oo La Shaaciyey Inay Marti-gelin Doonto Final-ka Champions League Xilli Ciyaareedka Soo Socda

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com