samatarGudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi ayaa magacaabay xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, waxaana uu sidaasi ku shaaciyey war-saxaafadeed uu Maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka bisha September 2016, waxaan halkan ku shaacin doonaa masuulka buuxin doona xilka Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, kaas oo muhiim u ah shaqo maalmeedka xafiiska iyo xidhiidhkaba.

Markaan la tashaday Guddoomiye Ku-xigeenka xidhiidhka, bahweynta aqoonta iyo khibrada u leh kubadda cagta. Markaan dhageystay tallo soo jeedinta masuuliyiinta kooxaha kubadda cagta ee heerarka kala duwan. Markaan ka fiirsaday kartida, aqoonta, khibrada iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay. Markaan ku qancay inuu hanan karo xilka Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland.

Waxaan Go’aansaday:

In laga bilaabo Maanta Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi uu ahaado Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland. Waxaan kaa rajeynayaa inaad si kalsooni, firfircooni iyo daacadnimo ah aad u gudan doontid shaqadda baaxadda leh ee xidhiidh ahaa ina sugaysa”.

Xoghayaha cusub ee loo magacaabay xidhiidhka kubadda cagta ayaa ah shakhsi aqoon u leh kubadda cagta, waxaana uu hore u ahaa Afhayeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, sidoo kalena wuxuu ahaa saxafi dhanka ciyaaraha ah, horena u ahaan jiray ciyaartoy kubadda cagta ah oo u soo ciyaaray kooxaha caasimadda Hargeysa.

Ugu dambeyntii, Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi ayaa hogaanka xidhiidhka kubadda cagta iyo cidkasta oo door muhiim ah ka qaadatay in loo magacaabo xilkan uga mahad-celiyay, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu si daacadnimo ah u gudan doono xilkan loo magacaabay.