Rasmi: Xulka Qaranka Argentina Ee Koobka Adduunka Tegaya Oo Lagu Dhowaaqay

Tababaraha xulka qaranka Argentina  Jorge Sampaoli ayaa soo saaray liiska xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-geli doona Koobka Adduunka ee badhtamaha bisha June ka bilaabmi doona waddanka Ruushka.

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa markii ugu horreysay helay fursad uu dalkiisa ugu metelo Koobka Adduunka oo uu afka hore ee weerarka kula wadaago xiddigaha Lionel Messi, Higuain, Dybala iyo Aguero.

Goolhayaha Manchester United ee kursiga kaydku dishooday ee Sergio Romero ayaa kusoo baxay kaalinta koowaad ee xulashada tababare  Jorge Sampaoli, waxaana lagu mataaneeyey odayga duqa ah ee Chelsea, Wilfredo Caballero.

Xiddiga marka uu shaadhka qarankiisa xidho libaaxa noqda ee Angel di Maria, Ever Benega oo ah beddelka Messi, Biglia iyo Lanzini ayaa uu tababaruhu u xushay inay hoggaamiyaan khadka dhexe, hase yeeshee, difaaca ayaa uu u qaatay Mercado oo ah laf-dhabarta Sevilla, halyeyga Roma ee Fazio, Otamendi oo qalbi-asadka Man City ah iyo Marcos Rojo oo ah dagaalyahanka Manchester United.

Xulka Argentina waxa uu sannadkan tebi doonaa khabiirka Javier Mascherano oo aan ku jirin liiskan kaddib markii uu shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, waxaana loo darsan doonaa khibraddiisii difaaca iyo dhexdaba uu ku caawin jiray, dhiirigelintii iyo dagaalkii adkaa ee uu geli jiray marka loo baahdo.

Halkan ka akhri liiska xulka Argentina oo dhamaystiran:

Goolka: Sergio Romero (Manchester United), Nahuel Guzman (Tigres Monterrey), Wilfredo Caballero (Chelsea), Franco Armani (River Plate).

Difaaca: Gabriel Mercado (Sevilla), Federico Fazio (Roma), Nicolas Otamendi (Manchester City), German Pezzella (Fiorentina), Ramiro Funes Mori (Everton), Marcos Rojo (Manchester United), Nicolas Taglafico (Ajax), Javier Mascherano (Hebei Fortune), Marcos Acuna (Sporting Lisbon), Eduardo Salvio (Benfica), Cristian Ansaldi (Torino).

Dhexda: Ever Banega, Guido Pizarro (labaduba Sevilla), Lucas Biglia (AC Milan), Leandro Paredes (Zenit St Petersburg), Angel Di María, Giovani Lo Celso (labaduba Paris St-Germain), Enzo Perez (River Plate), Manuel Lanzini (West Ham), Pablo Perez, Cristian Pavon (labaduba Boca Juniors), Maximiliano Meza (Independiente), Ricardo Centurion (Racing), Rodrigo Battaglia (Sporting Lisbon).

Weerarka: Lionel Messi (Barcelona), Gonzalo Higuain, Paulo Dybala (labaduba Juventus), Mauro Icardi (Inter Milan), Sergio Aguero (Manchester City), Diego Perotti (Roma), Lautaro Martinez (Racing).


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.