Real Madrid 4-0 Osasuna: Ronaldo Oo Fariin Culus U Diray Bayen Munich

Kooxda Real Madrid ayaa ku durdurisay Asasuna 4-0 , Siina xejisatay kaalinta ay kuleedahay tartanka kala hororsiga horyaalka La Ligaha ee sanadkan oo ay ka dhexeeya 3 kooxood ee ugu awooda badan Spain.

Cristiano Ronaldo ayaa laba gool oo kamid ah 4 ta gool ee Real ku badisay shabaqa taab siiyey taas oo ka dhigaysa wadarta goolashiisa 30 gool inuu xili ciyaareedkan ka dhaliyey La Liga kaalinta koowaadna ku haysto kabta dahabka ah ee ciyaaryahanka ugu gooldhalinta badanaa sanadkan ee Spanish ka.

Carlo Ancelotti ayaa ku tilmaamay Ronaldo inuu yahay halyey, sanadba sanadka ka dambeeya sii xoojinaya xirfadiisa dhinaca ciyaaraha.

Real Madrid guushan xooga leh ee ay ka gaadhay Osasuna ayaa waxay fariin u noqonaysaa kooxda ay todobaadkan la ciyaarayso horyaalka Yurub ee Bayern Munich oo aan lafteedu dab yar shidayn xallay kaga adkaatay 5 – 2 kooxda Werder Bremen horyaalka wadanka Germalka ee Bundesligaha.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ryan Giggs Oo Sheegay Inaanu Seexan Habeenkii xallay ahaa oo dhan —- Tolow maxaa saamaleelka keenay

Real Betis Oo Degtay noqotayna kooxdii u Horeysay ee Ku Biirta Kooxaha Heerka Labaad ee Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com