3:03 pm - Saturday August 23, 8949

Real Madrid Oo Caddaysay Lacagta Ay Ku Fasayso Cristiano Ronaldo

Abdiwahab Ahmed

Markii ay u caddaatay Real Madrid in aanay haysanin fursad ay ku joojiso Cristiano Ronaldo oo Jimcihii shaaciyey inuu ka tegayo waddanka Spain, waxay kooxda ka dhisan caasimadda Spain talo ka yeelatay qiimaha ay ku fasaxayso, kaas oo ay tahay in ay gaadhaan kooxaha doonaya.

Real Madrid waxay sheegtay inay ogolaanayso in kooxda bixisa 400 Milyan oo Euro ay kaxaysato Ronaldo, isla markaana ay hoos uga dhigayso 1 bilyan oo heshiiskiisa lagu burburin karayo.

Ronaldo ayaa ay u bilaabantay dacwad la xidhiidha lunsi cashuur oo masuuliyiinta waddanka Spain ay u gudbiyeen maxkamad ku taalla magaalada Madrid, halkaas oo dhowaan uu ka bilaabmi doono dhegaysiga iyo soo bandhigga caddaymaha lacagaha uu la baxsaday Cristiano, hase yeeshee, ciyaartoygan ayaa ku gacan saydhay sharciga loo cuskaday iyo dacwaddaba, taas oo uu kaga jawaabay inuu ka tegayo gebi ahaanba waddanka Spain.

Manchester United iyo PSG ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan kooxaha tartanka ugu jira, sidoo kalena naadiyo ka dhisan waddanka China ayaa dalabyo diyaar ula ah, laakiin ciyaartoyga ayaan doonaynin inuu wakhtigan tago bariga fog ee dunida.

Haddii Ronaldo uu tago, waxay Real Madrid heli doontaa lacagta badan ee laga siistay, iyo waliba inay u baaqato 50 Euro oo sannadkii uu mushahar u qaadan jiray, sida uu dhigayay heshiis uu dhowaan saxeexay oo soconaya illaa sannadka 2021.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Neymar, Mbappe, Griezmann Iyo Xiddigaha Kale Ee U Sharraxan Beddelka Ronaldo

PSG Oo Wada-hadallo La Bilowday Ronaldo Iyo Manchester Oo Dagaal Ku Jirta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: