Kooxda Real Madrid ayaa warbixin ay ku difaacayso laacibkeeda reer Portuqal ka soo saartay cashuur lunsiga lagu eedeeyay – kana codsaday warbaahinta eedaynaysa inay ixtiraam intan ka badan oo uu ka mudan yahay u muujiyaan Cristiano Ronaldo.

Sida dhawaanahan lagu dabaacayay 12 wargeysa oo yurub ah, xidiga Portugal hogaamiya ayaa lunsday cashuur gaadhaysa 150 milyan oo euros oo laga doonayay inuu bixiyo inta u dhaxeysa 2012 ilaa 2022 waxaana la sheegay inuu shirkado been abuur ah masuul uga dhigtay hantidiisa si uu uga baxsado cashuuraha qaaliga ah ee dalka Spain.

Gestifute, shirkada masuulka ka ah adeegyada Ronaldo oo uu leeyahay wakiilkiisa Jorge Mendes, ayaa todobaadkii hore soo saartay warbixin ay ku cadeynayso cashuur bixinta Cristiano waxaana haatan raacay kooxdiisa oo warbixin ka soo saartay arintan.

Warbixin lagu daabacay boga rasmiga ah ee Madrid ayaa lagu yidhi “Kadib warbixinadii maalmihii u danbaysa la daabacayay iyo kadib markii aan aragnay warqada cadeynta cashuur bixinta ah ee ay soo daabaceen xafiiska cashuuraha, taasoo cadaynaysa in ciyaariyahan Cristiano Ronaldo, uu si buuxdo uga war hayo una ilaaliyo waajibaadkiisa cashuur bixinta, Real Madrid waxay dalbanaysa in xushmada ugu weyn in loo muujiyo ciyaaryahan sida Cristiano Ronaldo oo kale ah, kaas oo hab-dhaqankiisu yahay mid lagu daydo uuna soo ahaa dhamaan wakhtigii uu joogay kooxdayada”.