6:44 pm - Monday August 21, 2017

Real Madrid oo diiday dalab Chelsea ku doonaysay Modric

Aidarous

Kooxda Chelsea ayaa lagu wargalliyey inay joojiyaan isku dayga ay ku doonayaan laacibka khadka dhexe ee naadiga Real Madrid ee Luka Modric.

Jose Mourinho ayaa rumaysan in laacibkan 28 jirka ahi uu wax weyn ka tari karo baahida khadka dhexe ee haysata naadiga The Blues , sidaas darteedna sameeyey dalab uu ku codsanayo in xagaagan laga soo dajiyo Stamford Bridge xidiga qaranka Croatia.

Modric oo mar aan fogayn carabaabay in goor ay noqotaba uu ku noqonayo London ayaa ilo ku dhow dhow oo u waramay shabakada Gaol.com , waxay u xaqiijiyeen in ciyaaryahanku ku faraxsan yahay joogitaanka Madrid wakhti xaadirkan.

Laakiin Real Madrid ayaaba ka soo horeysay oo xaqiiqda xaalada ciyaaryahanka si hoose ugu sheegtay shabakada Goal , waxaanay xuseen inaanay dheg jalaq u siinayn dalabaadka lagu soo codsanayo laacibkan heshiiska uu naadiga kula joogo ay uga hadhsan yihiin, saddex sanno oo kale.

“Modric wuxuu ku jiraa diirada koobaad ee tababare Mourinho si uu ugu xoojiyo khadkiisa dhexe xagaagan, sidoo kalena waxaa taageere weyn u ah ciyaaryahankan Roman Abramovich – laakiin xaqiiqdu waxay tahay inaanay jirin meel kale oo uu uga ambabaxayo halkan,” ayay ila wareedka Goal ku yidhaahdeen.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Barcelona Oo La Qabtay Rajadii Horyaalkuna Cirka Kaka Laalantay

Atletico Madrid Oo La Qabtay Iyo Hirdankii Kaalinta Koowaad Oo Dib u Curtay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: