Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Rafcaan Ay Ka Qaadatay Ganaaxii Ronaldo

Real Madrid ayaa ku guuleysatay rafcaan ay ka qaadatay kaadh huruud ah oo la siiyey xiddigeeda Cristiano Ronaldo kulankii Rayo Vallecano ee Arbacadii.

Garsoorihii dhexdhexaadinayey kulankaas oo lagu magacaabo Melero Lopez ayaa u maleeyey in Ronaldo uu istuuray markii ay isku dhaceen Amaya, hase yeeshee markii daib loo daawaday ayaa la arkay in arrintaasi ay si khalad ah u dhacday.

Waxa iyagana kaadhka digniinta ah la siiyey kulankii Rayo Vallecano Ciyaartooyada Toni Kroos iyo James kuwaas oo tirada kaadhadhka ay qaateen ee xidhiidhka ahi ay noqonayso min shan, taas daraadeedna waxay maqnaan doonaan min hal kulan oo ah ciyaarta ay Real Madrid garoonkeeda ku martigelin doonto Eibar.

Gareth Bale ayaa isagana la aaminsan yahay in uu ka maqnaan doono kulankaas, iyadoo la sheegay in uu dhaawacan yahay, isla markaana uu nasan doono inta ka horreysa kulanka Champions League ee ay Atletico Madrid.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Tababare U Mahadnaqay Kooxdiisii Oo Shaqada Ka Eriday

Ibrahimovic Oo Ganaax Culus Laga Saaray Ciyaaraha kadib aflagaadadii uu u geystay France

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com