Rajadii Madrid ee Horyaalka Oo Ay Burburisay Valladolid

Rajadii Real Madrid ee horyaalka ayaa markale mugdi isku gedaamay kadib markii ay barbar dhac 1-1 ah ku qabatay kooxda ka ordaysa inay dhaadhacdo ee Valladolid Caawa.

In kastoo uu ka dhaawacmay xidigooda Cristiano Ronaldo , 9 daqiiqo oo kaliya markii ciyaartu socotay , naadiga Los Blancos ayaa dedaal ugu jirtay sidii ay ku xejisan lahayd kaalinta labaad ee horyaalka La Ligaha , laakiin awoodi weyday inay ilaashato goolkii kali ahaa ee uu u dhalliyey Sergio Ramos qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana lagu barbareeyey gool qaybtii dambe uu u dhaliyey .Humberto Osorio oo madax ahaa.

Barcelona ayaa rajo fiican ka heshay fursadaas lagu barbareeyey Madrid , waxaanay kaalinta labaad ku haysataa hadda 85 halka Atletico Madrid ay hogaanka ku hayso 88 dhibcood.