Real Madrid oo Wada hadallo Heshiis kordhin ah la bilaabaysa Ramos

Goolkii Badbaadiyey Real Sergio Ramos oo kubada madax qurux badan la tiigsanayaSergio Ramos heshiiskiisa hadda ee uu kula jiro Real Madrid waxa uu dhacayaa sannadka 2017, balse laacibkan ayaan ogolayn in uu miiska wada hadallada soo fadhiisto inta ka horreysa bisha June ee sannadkan.

Maamulka Real Madrid ayaa laba jeer sameeyey isku-day ay ku doonayaan in ay wada hadallo kula yeeshaan difaacyahankooda hase yeeshee Ramos ayaa u sheegay in aanay jirin sabab ay u degdegaan.

Real Madrid ayaa dooneysa in uu Ramos raaco liiska ciyaartooyo saxeexay heshiis cusub kuwaas oo kala ah Raphael Varane oo saxeexay illaa sannadka 2020, Karim Benzema oo qalinka ku duugay illaa 2019 iyo Luka Modric oo suulka saaray heshiis soconaya illaa sannadka 2018.

Arrinta dib u dhigtay heshiiska Ramos ayaa la sheegay in ay salka ku hayso dhaqaale, taas oo uu laacibku doonayo in wax-qabadkiisa la qiimeeyo, isla markaana mushahar badan la siiyo kadib markii uu kooxda u horseeday in ay ku guuleystaan Champions League xili-ciyaareedkii hore markaas oo gool uu dhaliyey daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta ay kooxdiisu ku barbaraysay, wakhtigkii dheeriga ahaa ee lagu darayna ay goolal kale ku dhashadeen. Goolasha uu Ramos u dhaliyey Real Madrid waxay kooxda ka caawiyeen in ay hesho lacag dhan €9 milyan oo lacag ah, taas oo ka kala timid (€5 milyan oo lagu siiyey koobkii Club World Cup iyo €4 milyan oo Champions League ah). Real Madrid waxay ciyaartooyo ku soo iibsatay oo ay kharash garaysay sannadka €129 milyan, hase yeeshee waxa u soo xerooday dakhligii ugu badnaa oo ah €603.9 milyan.

Ramos ayaa ka mid noqday afarta ciyaartoy ee sannadkii 2014 ay FIFA u dooratay difaacyahannadii ugu wanaagsanaa sannadkaas.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Raheem Sterling Oo Shaki Geliyey Mustaqbalkiisa Liverpool Iyo Kooxo Waaweyn Oo U Hanqal Taagaya

Xavi Oo Caawa Barcelona U Safanaya Kulankiisii 750aad

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com