Real Madrid: Taageereyaasha Oo U Codeeyey In la fadhiisiyo Bale

Taageereyaasha kooxda Real Madrid ayaa isku raacay in kooxda koowaad laga tuuro Gareth Bale, isla markaana shaxda kooxda laga dhigo 4-4-2, taas oo ay khadka dhexe ka wada ciyaarayaan Kroos, Modric, Isco iyo James.

Codbixin laga qaaday taageereyaasha kooxdaas, ayaa waxa ay ku muujiyeen dareenkooda iyo sida ay u doonayaan in ay kooxdoodu u ciyaarto.

Aftidan oo ay qaadday shabakadda AS.COM, ayaa waxa ay 31% dadkii aftida laga qaaday ay u codeeyeen in shaxda kooxda laga tuuro Bale, isla markaana ay iska garab ciyaaraan James iyo Isco.

Kroos ayay isku wada waafaqeen taageereyaashu in uu yahay lama taabtaan aan la fadhiisin karin, waxase kaliya u codeeyey in kursiga kaydka lagu tuuro 3.7%, halka Cristiano Ronaldo in la fadhiisiyo ay u codeeyeen 15.2% codadkii la dhiibtay. Benzema ayay isna muujiyeen taageereyaashu in ay aad u aaminsan yihiin, waxana kaliya u codeeyey in la fadhiisiyo 6.5%.

Daraasaddan ayaa waxa ay muujisay in Kroos iyo Benzema ay yihiin ragga ay ugu kalsoonida badan yihiin taageereyaashu, isla markaana ay la dhacsan yihiin wax-qabadkooda.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pellegrini: Uma Baqanayo Shaqadayda, Waayo Waajibkayga Waan Gutaa

Man United Oo Xaraashaysa Van Persie Iyo Cavani Oo Ku sii jeeda Old Trafford

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com