Celta Vigo 2-4 Real Madrid: Chicharito Oo Mar Kale Badbaadiyey Kooxdiisa

Javier Henandez ‘Chicharito’ ayaa mar kale shimbir u noqday kooxdiisa Real Madrid oo ciyaar aad u adkayd ay isaga hor yimaaddeen Celta Vigo.

ciyaartan oo ka dhacday garoonka Celta, ayaa waxa ay ku bilaabantay jewi weerar ah oo ay inta badan dhiirranayeen ciyaartooyada Celta Vigo, halka kuwa Real Madrid ay degenaan iyo in ay waayeel yihiin ka muujiyeen.

Real Madrid ayaa dooneysay in ay cadaadiska ku sii kordhiso Barcelona oo hoggaanka laba dhibcood ku haysa, waxaanu damaceedu hirdamayey illaa daqiiqaddii u dambaysay.

Weeraryahanka Celta ee Nolito ayaa bilowgii ciyaartaba ka nixiyey Real Madrid kadib markii uu shabaqa ku hubsaday goolka koowaad, laakiin toddoba daqiiqadood kadib ayuu Toni Kroos kooxdiisa Madrid u dhaliyey goolka barbar dhaca, kaas oo siddeed daqiiqadood oo kale kadibna uu Chicharito gool labaad raaciyey, hase yeeshee afar daqiiqadoodba iyadoon ka soo wareegin goolka labaad ee Real Madrid ayay Celta Vigo dhashatay goolka barbar dhaca, waxase gool kale u dhaliyey Real xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez, qaybta horena waxa lagu kala nastay 2-3.

inkasta oo labada kooxoodba dedaal badan sameeyeen, isla markaana ay ciyaarta gacan ku haynteeda lahayd Celta Vigo, haddana Real Madrid ayuu Chicharto daqiiqaddii 69aad u dhaliyey gool afraad, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 2-4.

Chicharito ayaa garoonka kala kulmay soo dhoweyn iyadoo uu buuxiyey bookii uu banneeyey laacibka dhaawaca ah ee Karim Benzema.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bayern Munich oo Horyaalkii 25 aad Ee Bundesliga ah Ku Guuleysatay

Hazard, Kane iyo Laba Dumar Ah Oo Ku Guuleystay Xiddigaha Sannadkan ee Horyaalka Ingiriiska

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com