Real V Atletico: Daawo Ciyaartii Finalka Champions League Ee Isugu Dambaysay – Video

Real Madrid iyo Atletico Madrid waxay ahaayeen labadii kooxood ee isugu soo hadhay ciyaartii finalka ee Champions League ee sannadkii hore, taas oo ahayd ciyaar xamaasad badan oo ay labada kooxood cidhiidhi iyo xag-xagasho, kubbad qurux badan iyo farsamooyin kasta isku adeegsadeen.

Real Madrid ayaa ciyaartaas si mucjiso leh ku badisay, iyadoo ay Atletico Madrid ku naaloonaysay gool ay wakhti hore dhalisay, laakiin Real Madrid ayaa wakhtigii dheeriga ahaa ama daqiiqaddii 92aad dhalisay goolka barbar dhaca. Taasi waxay keentay in wakhti dheeraad ah lagu daro.

Wakhtiga dheeriga ah, waxa si mucjiso leh u ciyaartay Real Madrid oo dhashatay 3 gool, waxaanay ciyaartaasi ku dhamaatay 4-1 ay koobka ku qaadday Real Madrid.

Labada kooxood ayaa caawa mar kale ballansan yihiin, waxaana la sugi doonaa sida ay ku dhamaato.

Halkan ka daawo ciyaartii finalka ee Champions League ee ay sannadkii hore wada ciyaareen, goolashii iyo dhacdooyinkii ku jiray.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

“Guushii Bayern Waxay Ahayd Mid Bilaa Xallad Ah.”Martins Indi

Yaa Maqnaan Doona, Yaa Ciyaari Doona Ciyaarta Madrid Derby?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com