Real: Waa Kooxda ugu liidata Semi-finalka Champions League

Inkastoo kooxda Real Madrid ay heystaan xiddigo waaweyn iyo laacibiinta ugu fiican caalamka, sidoo kale tababaro leh qiimaha Ancelotti, dad badani waxay qabaan in Real tahay kooxda ugu liidata kooxaha usoo baxay semi-finalka Championka.

Taageera yaasha Real waxay aaminsayihiin in hadii kooxdu ku dhacdo Bayern Munich ama Chelsea midood ay u dhamaatay, maadaama labada tababare ee Guardiola iyo Mourinho  yaqaaniin sida loo tumo Real.

Ma’aaminsantahay in Real Madrid tahay kooxda ugu liidata wareegaan? mise waxaa laga yaabaa in Real Ancelotti ku guuleysato koobkan sidii Chelsea sameysay 2012.